Madaxweynaha Soomaaliya oo beesha caalamka ka codsaday in gacan laga siiyo dagaalka ay ku jiraan


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray kaga codsaday beesha caalamka inay gacan ka siiyaan dagaalka ay dowladdiisu kula jirto Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

“Sax ma ahan in Soomaaliya kaligeed lagu daayo ka hortagga Al-shabaab iyo jaalkooda Al-qaacida, maadaama  Soomaaliya kusoo jirtay 20-sano oo burbur, qas iyo jahawareer siyaasadeed ah,” ayuu Sheekh Shariif ku yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray.

 

Madaxweynuhu wuxuu ku sheegay war-murtiyeedkiisa in weearkii hotel Muna ee dhacay 24-kii bishan laguna dilay 33-qof oo ay ku jireen xildhibaanno iyo saraakiisha ciidamada uu la mid yahay weerarkii ay Xarrakatul Shabaab ka geysatay dalka Uganda bishii hore, kaasoo ay ku dhinteen 76-qof. 

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamaya Soomaaliya iyo ururka Al-Qaacida oo ay xiriir leeyihiin ay u soo tafo-xayteen inay ku baahiyaan falalkooda argagaxisonimo ee ay ka wadaan Soomaaliya una gudbiyaan dalalka gobolka iyo kuwa caalamka.

 

“Xarrakatul Shabaab iyo saaxiibbadood Al-Qaacida waxay qorsheysteen inay xoojiyaan argagaxisonimada, carqaladda iyo xasilooni la’aan geeska Afrika oo caalamka intiisa kale,” ayuu madaxweynuhu mar kale ku sheegay hadalkiisa.

 

Sheekh Shariif, wuxuu intaas ku daray: “Dowladda Soomaaliya, waxaa ka go’an, dib-u-yag-leelidda sharciga iyo kala-dambeynta Muqdisho, iyo inay gaashaanka u daruurto Al-shabaab iyo kuwa taageera ee wata afkaaraha ku xiran xag-jirnimada ee ay fidiniyaan.” oo intaas dabodhigay: “Inkastoo ay jiraan culeysyadaas, waa inaanan illoobin in guushu ay u baahan tahay istaraatijiyad iyo dhabar-adayg.”

 

Wuxuu sheegay in dowladdiisu aysan ka maarmi karin kaalmooyinka beesha calaamka, si ay uga hortago falalka uu ku sheegay argagaxisada oo ay wadaan kooxaha dowladdiisa ka horjeeda.

 

Madaxweynaha, oo farta ku fiiqaya walaaca uu qabo ayaa tusaale u soo qaatay hadal dhawaan ay xukuumadda Washington sheegtay kaasoo ahaa in Al-qaacida ay khatar weyn ku hayso Soomaaliya, marka la eego dalalka kale ee ay ka howlgalaan.

 

 “Dowladda Soomaaliyeed waxay wajahaysaa cadow la mid ah kuwa dalalka Afgaanistaan, Bakistaan iyo Ciraaq ay la tacaalayaan, waaba haddii aysan ka khatar badnayn,” ayuu ku xusay warkiisa Sheekh Shariif oo sheegay in dowladdiisu aysan ahaysan taageero la mid ah ama u dhow kuwa ay dalalkaas haystaan, sidoo kalena aysan lahayn ilaha dhaqaale ee ay dalalkaas leeyihiin.

 

Ugu dambeyn Madaxweynuhu wuxuu qoraalkiisa ku yiri: “Maadaama kooxa ka dagaalama Soomaaliya ay wadaan khatar isaga gudbaysa xuduudaha, waxay dowladda Soomaaliya ku celinaysaa dalabkeedii ahaa in lala soo gaaro taageero caalami ah.”

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo muddo hal todobaad ka badan ay dagaallo iyo duqeymo u dhexeeya xukuumaddiisa oo kaashanaysa AMISOM iyo xoogagga Islaamiyiinta ah ay ka socdaan Muqdisho, kuwaasoo dad badan ay naftooda ku waayeen kuwo kale ay u dhaawacmeen.


Add New Comment