Sheekh Xasan Daahir oo ka hadlay ciidamada dheeraadka ah ee Soomaaliya la keenayo


Guddomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ee sida weyn u diiddan jiritaanka Dowladda KMG iyo joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa wareysi uu xalay siiyey Idaacadda Codka Amerika ee VOA ku sheegay in ciidamo dheeraad ah oo Soomaaliya la keeno ay xaaladda sii murjinayaan.

"Ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan waxay dhibaato ku hayaan shacabka, haddii kuwo kale la keenana waxay noqonaysaa inay dhibaatada lagu hayo shacabka sii kordhiyaan oo aysan wax xal keenin," ayuu yri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sidoo kale ayaa waxa uu Sheekh Xasan soo hadal qaaday wadahadallada la sheegay inay u socdaan Ururkiisa Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, wuxuuna sheegay in wixii wadahadallaasi ka soo baxa ay ku dhawaaqi doonaan marka ay soo dhamaadaan.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa wararka sheegaya inuu burbur ku yimid wadahadalladii u dhexeeyey labada Urur ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo been ah oo aysan waxba ka jirin, asagoona intaa raaciyey inuu aad ugu kalsoon yahay in ururkiisu iskaashi la sameysto Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.

Dhowaan ayey ahayd markii saxaafadda maxaliga ah lagu faafiyey inuu fashil ku yimid wadahadal u socday labada urur ee dagaalka kula jira Dowladda KMG iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, taasoo mas'uuliyiin u kala hadashay labada dhinac ay ku tilmaameen inuusan jirin fashilka la sheegay, wadahadalladuna ay weli u socdaan labada urur.


Add New Comment