Burundi oo sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u soo direyso Soomaaliya


Afhayeen u hadlay ciidamada dalka Burundi oo lagu magacaabo Col. Gaspard Baratuza ayaa sheegay inay suurtagal tahay in dalkiisu uu Soomaaliya usoo diro ciidamo dheeraad ah oo ay tiradoodu gaareyso ilaa iyo 2500 oo askari si ay u xoojiyaan ciidamada AMISOM ee hadda ku sugan Muqdisho.

Dalka Burundi ayaa hadda waxaa magaalada Muqdisho ka jooga ciidamo tiradooda lagu sheegay 1700 oo askari, kuwaasoo qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waana markii seddexaad oo ay Burundi qorsheyneyso inay Soomaaliya u soo dirto ciidamo dheeraad ah, kaddib markii laba jeer oo hore ay soo kala dirtay ciidamadeeda haatan ku sugan gudaha Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay tiradooda guud gaareysaa 6200 askari oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi, haddii la waayo dalal kale oo Afrikaan ah oo ciidamo u soo dira Soomaaliya ayaa waxa ay labadaasi dal ku qasban yihiin inay ama ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya ama ay soo xoojiyaan si ay u noqdaan kuwo iska caabin kara culeyska xooggan ee kaga imanaya weerarrada xoogagga Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ay ku hayaan.

Shirkii Midowga Afrika ee toddobaadkii hore lagu soo gabagabeeyey magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda ayaa waxaa laysla gartay in dalalka ku bahoobay Midowga Afrika ay Soomaaliya u soo diraan ciidamo si tirada ciidamada AMISOM loo gaarsiiyo 10.000 oo askari, kaddibna haddii loo baahdo ilaa iyo 20.000, taasoo ka dhalatay cabsida dalalka bariga Afrika ay ka qabaan Xarakadda Shaabab ee ka dagaallanta gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay sheegteen inay ayagu ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee ay ku dhinteen dad tiradoodu ay kor u dhaafeysay 70 ruux, cagajugleyn toos ahna u jeediyeen dalka Burundi oo ay ku sheegeen inuu yahay hadafkooda labaad.

Dalalka Guinea iyo Djibouti ayaa ayagana la sheegay inay ku yabooheen ciidamo ay u soo diraan Soomaaliya, hase ahaatee Djibouti ayaa mar dambe sheegtay inay Soomaaliya u soo diri doonto oo qura qubaro ciidan oo tababarro u fidisa ciidamada Soomaaliya.

Ciidamo dheeraad ah oo waddanka la keeno ayaa waxa ay dad badan oo Soomaaliyeed u arkeen inay sii murjinayaan xaaladda adag ee uu maanta dalka marayo, halka qaar kalena ay qabaan inay arrin wanaagsan tahay in lasoo kordhiyo ciidamada AMISOM, sidoo kalena waxaa dhankooda soo dhoweeyey go'aanka Afrika ay ciidamada ku soo kordhineyso Dowladda KMG ee Soomaaliya.


Add New Comment