Dagaalka Moqdishu oo Maalintii 7 galay iyo Dowladda KMG ah oo dib u qabsatay Mowlicii Macallin Nuur.


Dagaalada galabta ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir ayaa Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay kula wareegeen gacan ku heynta Mowlicii Macalin Nuur oo Ciidamada AL Shabaab ay qabsadeen  shalay ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna wal jamaaca.
 
 Afhayeenka Ciidamada Booliska Col. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda KMG maanta qorax dhicii ay dib u qabsadeen goobihii ay shalay la wareegeen Al Shabaab.
 
Afhayeenka  waxuu kaloo sheegay in ciidamada dowladda KMG Soomaaliya caawa ay ku suganyihiin fariisimahii  Xaafadaasi siigaale oo dhawaan Al Shabaab dagaaladka kula wareegtay

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo beeninaayo
in laga qabsaday Mowlacaasi Macalin Nuur .
 

Add New Comment