Nabadoon Axmed Diiriye oo riyo ku tilmaamay in Al Shabaab ay qabsadaan xarumaha Dowladda


Afhayeenka Golaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ka hadlay dagaalada weli kasoconaya Magaalada Muqdisho ee ay wadaan ururka Alshabaab oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan xarumaha ugu waaweyn ee Dowladda KMG.

Isagoo la hadlayay Idaacadaha Muqdisho ayaa waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in dagaalada ka sii socdaan magaalada Muqdisho, kaasoo uu sheegay in dhibaatada badan ka soo gaaraya dadka rayidka ee aan waxba galabsan iyo Soomaalida oo u badan dadka ku la’aneysa oo keliya.

“Waxaan dhihi lahaa aniga dhulka ballaaran ay heystaan haku negaadaan, aniga maleyn-maayo inay qabsan karaan Madaxtooyada, airport-ka iyo dekeda Muqdisho” ayuu yiri Axmed Diiriye oo riyo ku tilmaamay in Shabaab iyo Xisbiga qabsadaan Xarumaha ugu waaweyn ee ay Dowladda KMG kusugan tahay.

Axmed Diiriye ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladdu ay si adag u difaacayaan goobahaas, isla markaana aanu isagu qabin inay qabsan karaan goobahaas ay Dowladda ku sugan tahay.

Dhibaatada sii kordheysa ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ayuu ku baaqay in laga daayo oo Shacabka lagala shaqeeyo nabad sidii ay ku heli lahaayeen oo ay nabad ugu noolaan lahaayeen maadaama dagaal waliba khasaaraha ugu xoogan uu ka dhalanayo uu yahay mid Shacabka Soomaaliyeed soo gaaraya.

Add New Comment