Ethiopia oo sheegtay inaysan haatan ciidamo u direynin Soomaaliya


Mas'uul u hadlay xukuumadda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uusan haatan diyaar u ahayn inuu ciidamo u soo diro gudaha waddanka Soomaaliya oo ay beryahani dagaallo xooggani ku dhex marayaan ciidamada Dowlawlad iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinaca kale ah.

Wasiirka Isgaarsiinta ee Ethiopia Berket Simon waxa uu sheegay in dalkiisu uusan haatan qorsheyneyn faragelin uu ku sameeyo dalka Soomaaliya, balse ay jiraan cutubyo ka tirsan ciidamadooda oo howlagallo lagu sugayo ammaanka ka wada xad ka uu dalkiisu la wadaago Soomaaliya.

Warka wasiirka Ethiopianka ah ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maalmihii ugu dambeeyey lagu soo warramayey in ciidamo Ethiopian ah ay soo galeen degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya iyo goobo kale oo ka tirsan gobolka Bakool, sidoo kalena ay sheegeen inay Soomaaliya soo geli doonaan haddii ciidamada AMISOM qatar la geliyo ayna gacan soo weydiistaan.

Add New Comment