Ciidamada Dowladda KMG oo baris ka sameeye degmooyinka Xamar Jab Jab iyo Waaberi


Ciidamada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ka billaabay qaar kamid ah Xaafadaha degmooyinka Xamar Jab jab iyo Waaberi ee gobolka Banaadir oo ka mid ah degmooyinka ay maamusho Dowladda KMG ee Soomaaliya.
 
Ciidamada Dowladda ee baaritaanka ka wada labadaasi degmo ayaa waxa la arkayey saakay ayagoo si qorsheysan u abbaarayey gaadiidka iyo guryo gaar ah oo labadaasi degmo ku yaalla waxayna sida la sheegay soo qabteen qalab kala duwan oo la rabay in qalqal lagu geliyo ammaanka degmooyinkaas, hase ahaatee waxa suurtagal noqon waayey in saxaafadda maxaliga ah ay soo aragto, waxaana la arkayey ciidamada dowladda oo si weyn isugu ballaarinaya dhammaanba degmooyinka ay dowladdu gacanta ku heyso.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jab Jab ee Dowladda KMG ah oo mar dambe saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in howgalladani ay ahaayeen kuwo saf ballaaran ahaa, loogana gollahaa in lagu sugo ammaanka shacabka ku dhaqan degmooyinkaasi.

Add New Comment