Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al Shabaab oo weriyayaasha kula hadlay Mowlaca Macallim Nuur


Guddoomiyaha Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa manta saxaafadda maxaliga ah ee magaalada Muqdisho qaarkood kula hadlay Mowlaca Macallim Nuur ee xaafadda Siigaale ee degmada Hodan oo shalay ay ciidamadoodu ka qabsadeen ciidamadii Ahlu Sunna.


Sheekh Cali ayaa sheegay in shalay galabnimadii ay ciidamadoodu u suurtagashay inay goobtaasi xoog kagala wareegaan ciidamadii horey u fadhiyey ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca kaddib markii ay weerar qorsheysan kusoo qaadeen fariisimo dhowr ah oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee ay dagaalka isaga soo horjeedaan.

Xoogagga Al Shabaab ayaa haatan wax hal kilometer ka yar u jira waddada weyn ee Maka Al Mukarama oo halbowle u ah isu socodka qaybaha ay magaalada Muqdisho ka maamusho Dowladda KMG, waxaana waddaasi haatan lasoo dhoobay ciidamo ay leedahay Dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan taangiyo, lamana oga waxa dhici doona saacadaha soo socda ayadoo la filayo inay dhacaan dagaallo xooggan.

Add New Comment