Dagaalladii ka socday magaalada Muqdisho ayaa galay maalintii lixaad oo xiriir ah


Maalintii lixaad oo xiriir ah ayaa waxa magaalada Muqdisho ka soconaya dagaallo qaraar oo u dhexeeya cidamadaDowladda KMG, Ahlu Sunna iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Xaraktul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinaca kale ah.

Dadka rayidka ah ee fara ku tiriska ah ee ku haray degmooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa la arkayaa ayaga oo quus taagan inay ka barakacayaan guryahooda, waxaana weli magaalada ka socda rasaas goos goos ah oo mararka qaarna ay barbar socdaan madaafiic waaweyn oo ay isku ridiyaan dhinacyada dagaallamaya.

Galabnimadii shalay ayaa waxa Xarakatul Shabaab u suurtagashay inay la wareegaan fariisimo dhowr ah oo ay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag kaga sugnaayeen ciidamada Ahlu Sunna oo aagaggoodi isaga soo baxay kaddib weerar xooggan oo lagu soo qaaday.

Dowladda KMG ayaa dhankeeda aagagga hore ee dagaalka soo dhoobtay ciidamo ku xareysnaa xeryo ay ciidamadu ku lahaayeen duleedka koonfur galbeed ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo haatan lagu arkayo ayaga oo difaac uga jira jiidaha hore ee dagaalka.

Dagaallada Muqdisho ayaa u muuqda kuwo aan dhammaad lahayn, ayadoo dhinacyada dagaallamayana la dareemayo inay weli u heellan yihiin dagaallo sii daba dheeraada, waxaana iska caadi noqday in guulo la kala sheegto iyo in la beeniyo guusha uu dhinaca kale sheegto, waxaana sidoo kale xiran dhammaanba goobihi ganacsiga ee degmooyinka uu dagaalku ka socdo oo uu ku jiro Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Add New Comment