Xoogaga Alshabaab ayaa fariisimo dhowr ah ka qabsaday Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusuna


Xarakada Al shabaab Dagaal aad u xooggan oo ka dhacay galabta inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ugu suurtagashay inay la wareegto labadaas Isgoys dhexdooda  fariisamihii ay ku lahaayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlusunna ayaa isugu soo uruuray waddada Maka Al-Mukarama, halkaasoo iminka ah difaaca ugu dambeeya ee ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM, kadib markii maqribnimadii caawa laga soo saaray saldhigii ay ku lahaayeen Baar Raaxo iyo dhammaan gudaha Xaafadaha Hodan iyo H/wadaag.

Sidoo kale Al Shabaab waxay kala wareegeen Ciidamada Ahlusuna waljamaaca saldhigi weynaa ee Mowlaca Macalin Nuur ee Xaafada Siigaale


Ciidamada Al shabaab waxay u xusl duubayaan ianay kala gooyaan waddada Maka Al mukaramah iyo in ay la wareegaan xarumaha Dowladda, waxaase difaac adag ugu jira ciidamada AMISOM oo ku qalabeysan Hub casri ah iyo ciidammo aad u tababaran oo adeegsanaaya  Taangiyo casri ah  iyo madaafiic guryaxan kooda aan loo adkeysan karin ,kuwaasoo dibna ugasoo celiya ciidamada Al Shabaab iyo kuwa xisbul islaam mar waliba oo ay kusoo dhawaadaan jjidka Makkah.


Hadiise Al Shabaab mar un u suurtagasho in waddada  Maka Al Mukaramah  ay kala gooyaan  waxay Dowladda ku noqon doontaa in ay kala xirmaan Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradda, taasoo Dowladda KMG jiristeeda qalqal gelin doonto, masa sahlana siday Al Shabaab ugu suurtageli doonto arrintaasi .

Add New Comment