Dadki ku haray Degmada Boondheere oo caawa cabsi darteed Afurkoodii ka cararay


Caawa maqribnimadii markii cuntadii la diyaariyay si loo afuro  ayaa dhawaaqa rasaasta iyo Madaafiicda Taangiga  mar keliya ka bilowatay agagaarka Isgoyska Nasiibuundo halkaas oo dagaal xun ay isku farasaareen xarakada Al Shabaab iyo ciidamada Dowladda + AMISOM .


Dad fara badan ayaa ka soo cararay guryahooda oo wadada Daljirka Dahsoon waxaa maraayey qulqul dad ah oo cagtooda maalayay,dadka qaarkiisa waxay ku go'doonsanaayeen guryahooda .
Ciidanka  Alshabaab ayaa la sheegay in gudaha u soo galeen degmada Boondheere waxuuna soo gaaray wasaaradii hore ee Sportiga(Tenniska),fiidnimadiina waxay kusii siqayeen isgoyska Nassiib Boonde iyo Generaal Daa'uud.

Dagaalka fiidnimadaan ka bilowday Degmada Boondheere ayaa immaanayo markii xarakada Al shabaab seddex maalmood dagaal adag ay wax horumar ah ka gaari waayeen weeraro lixaad leh oo aay ku qaadeen xarumaha Ciidamada Dowladda iyo Amisom ee Hodon iyo Howlwadaag ee koofurta waxaana markaan muuqata in aay ku fekerayaan in aay culeys saaraan dhanka waqooyiga Muqdishu si ay gacanta ugu qabtaan Aqalka Madaxtooyo Viila Somala iyo Saldhigyada Ciidamada Dowladda KMG .

 Waxaase isweydiin mudan sida ay ugu suurto geli karto Xarakada Al Shabaab ee kumanaanka kun ciidan kusoo harreereeyey Villa Soomalo iyo xarumaha Dowladda KMG ah.

Add New Comment