Dagaallo xooggan oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho

Dagaalka maanta xoogiisu waxa uu ka socdaa Degmooyinka H/wadaag iyo Hodan, ciidamada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam waxay raadinayaan inay kala jaraan waddada Maka Al-Mukarama oo ah wadada kaliya ee ay isticmaalaan Madaxda Dowladda.

Seddexda maalmood ee dagaalka socdo waxaa si aan kala joogsi laheyn ugu hoobanaayo Madaafiic Suuqa weyn ee Bakaaraha, ganacsigiina waa  mid albaabada loo xiray, saakay waxaana la soo sheegayaa  in madaafiic kusoo dhacday suuqa inay gaysteen 5 dhimasho iyo 25 dhaawac ah .

Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa waxaa maanta  ka soo gudbay ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiid dagaaloo oo ka yimid dhinaca degmooyinka Balcad iyo Jowhar, kuwaasoo ku sii qul qulaya aagagga dagaalka Muqdisho.
 Sidoo kale waxaa gurmad Ciidan kaga yimid Al Shabaab Gobolada Bay, Bakool, iyo labada shabeele  waxaana lagu daadiyey ciidankaasi waddooyinka Warshadaha,Sodonka iyo Isgoysyada  Ifka Xalane iyo Baar Ubax oo ah wadooyinka ay gacanta ku hayaan xarakada Al shabaab.

 
Maanta dagaalka xoogiisa waxaa uu ka socdaa degmada Hodan iyo H/wadaag, markii xaalada dagaal ay aad u adkaatay waxaa la  sheegayaa in Ciidamada AMISOM iyagoo kaashanaya kuwa dowladda iyo qoryaha  waaweyn ee gawaarida gaashaaman inay efandari ahaan ku dagaalamayaan oo ay dhulka taagan yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya gurmadka Al Shabaab inuu hogaaminayo Abuu Mansuur oo ah hogaamiye ku xeel dheer ku dagaalanka luuqluuqyada xaafadaha, waxaana loo maleeyaa inuu ku amri doono ciidamadaasa  tirada badan inay hal mar fagax kusoo galaan ciidamada hortaagan ee Dowladda iyo kuwa AMISOM .

Si kasta oo ay ahaataba waxa muuqata in dagaalkani aad loogu hoobtay,  waxaase isweydiin mudan ilaa goorma ayay sidaasi ahaan doonto magaalada Muqdishu ?


Add New Comment