Guddoonka Barlamaanka oo soo bandhigay magacyada Xildhibaanadii Ku geeriyooday Weerarkii Hotel Muna

Warsaxaafadeed


Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Shiikh Ibraahim ayaa shaaca ka qaaday  magacydada Xildhibaanadii ku geeriyooday weerarkii  maalintii shalay ciidamo ka tirsan Al shabab  ay ku qaadeen Hotelka Muna ee degmada X/weyne.


Xildhibaannada ku geeriyooday ismiidaaminta waxay kala yihiin:


1) Maxamed Xassan M. Nuur
2) Geeddi Cabdi Gadiid
3) Buulle Xassan Macallim
4) Idiris Muuse Cilmi


Sidoo kale xildhibaannada ku dhaawacmay waxay kala yihiin:

1) Cali Cabdiqaadir Macallim
2) Cali Maxamuud Cabdi
3) Axmed Sheekh M. Maxamud
4) Maxamed Caateeye Fariid
5) Isaaq Ibraahim Cali


Nasiib wanaag, Maxamed Caateeye Fariid iyo Isaaq Ibrahim Cali way soo kabsadeen, waana laga soo saaray isbitaalka.

Mudane Muudeey wuxuu tacsi tiiraanyo leh gaarsiiyay qoysaskii ay ka geeriyoodeen xildhibaannadii, shaqaalihii dowladda, ciidamada dowladda iyo rayidkii ku geeriyooday qaraxa, isagoo u rajeeyay dadka dhaawacmay inay si dhaqso leh ku soo kabtaan.
  
  Wuxuu yiri: “Kuwii naftooda gooyay waxay doonayeen inay ka argagixyaan, nagana horistaagaan inaan nolosheena caadi wadano iyo baadigoobka aan ugu jirno inaan helno mustaqbal nabad iyo midnimo leh. Laakiin falalka noocan oo kale waxay xoojinayaan dadaalka aan ugu jirno inaan Soomaalida isku keeno.”

Soddon iyo saddex qof ayaa ku dhintay weerarkii Talaadadii ay laba nin oo naftood-halaagayaal ah ku qaadeen Hoteel Muna. Iyagoo iska soo dhigay cidamada dowladda, dableydaasi waxay gudaha u galeen hoteelka, waxayna billaabeen inay rasaas furaan oo ay dilaan ciidamadii ilaalinayay xildhibaannada.

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho
 
 
 

Add New Comment