Madawxweynaha SoomaaliyaSheekh Shariif oo ka hadlay weerarka lagu qaaday hotelka Muna


    Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u canbareeyay weerarkii lagu qaaday Hotelka Muna ee magaalada Muqdishoo,halkasoo  lagu laayay  Xildhibaanno iyo Saraakiisha dowladda KMG ee Soomaaliya wuxuu tacsi u diray ehelladii ay ka geeriyoodeen .
   
    Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu dhammaan ciidamada qalabka sida ugu baaqay inay dagaal xoggan ay kaga hortagaan  Xarakada Alshabaab Al Mujaahidiin  iyo Xizbul Islaam.
Madaxweynaha  wuxuuna  ku eedeeyay xoogaga al shabaab Al Mujaahidiin  iyo xizbul islaam inay u taagan yihiin inay laayaan shacabka soomaaliyeed, isagoo ku cawday madaxweynaha  inay soo af jareen wado kasta oo nabad lagu gaari lahaa iyagoo ka doorbiday Nabad  wada hadal lagu gaaro, in xoog wax lagu dayo oo    shacabkana la barakiciyo  lana  gummaado .


Sheekh shariif hogaamiyah dowladda KMG ee Soomaaliya  waxa uu shegay inay ka go’an tahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Xarakada Alshabaab iyo Xizbul Islaam, waxuuna sheegay  inay u adeegsan doonaan cid kasta oo ay ka helaayaan taageero , caalamkana waxa uu ugu baaqay gurmad aan kala sooc lahayn inay lasoo deg degaan inta goori goor tahay si shacabka Soomaaliyeed looga badbaadiyo gaajada iyo dagaalka joogta ah ee ku dulfuran waqtiga dheer.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay  xilli maanta weeraro toogasho iyo qaraxyo lagu qaaday hotel ay deganaayeen xilidhibaanada barlamaanka iyo saraakiisha dowlada halkaasoo ay ku geeriyoodeen ilaa  6 xildhibaan iyo 5 saraakiil oo ka tirsanaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya , waxaa kaloo jirta inuu socdo  maalintii labaad dagaal ay ku baaqday Xarakada Al Shabaal kaasoo ay ku sheegtay inuu yahay dagalkii lagu soo afjari lahaa loogana saari lahaa goobaha ay Dowladda KMG ah ee Soomaliya ay kaga sugan tahay magaalada Muqdishu.

Ugu dabeyntii lama oga hadalka Madaxweyne Sheekh Shariif   waxa uu ka badali doono dagaalada ka socda magaalada Muqdisho dagaaladaasi oo dowladda KMG fariisimo dhowr ah looga qabsaday shalay iyo maanta.
Si kasto oo ay ahaataba maalmaha soo socdo hadduu Allah yiraa, waxaan u wada joognaa halka ay ku dambeeyaan dagaaladda ay iskaga soo horjeedaan xooggaga Mucaaradka iyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.


Add New Comment