Wararkii ugu dambeeyay weerarkii maanta lagu qaaday Hotelka Muna(sawirro)

Xarakada Al shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen weerarkii  maanta lagu qaaday Hotel Muna oo ku yaal halkii la oran jiray Yoobsan ee magaalada Muqdisho, Hotelkaasi waxaa degenaa dad ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Saraakiisha sirdoonka dowladda KMG ee Soomaaliya

Weerarka lagu qaaday Hotelka Muna waa mid aad loo soo qorsheeyay,waana kii ugu horeeyay oo noocani ah ee  ka dhacaHotellada Muqdisho, inta la ogyahay waxaa ku dhintay  37 ruux, 6 Xildhibaan ah, iyo 5  sarkaal , 26-da kalena waa shacab ,iyo 2dii dabley ahayd ee geystay weerarka oo is qarxiyeen sida ay sheegeen ciidanka Booliska Dowladda KMG oo goobta soo gaaray.
Sida wararka lagu helaayo weerarkani  waxaa fuliyay labo nin oo xirnaa dareyska Ciidamada Dowladda iyagoo hoosta ku watay jaakadaha laysku qarxiyo, waxay gudaha u galeen Hotelka, kadib waxay mid mid u galeen qolalkii Hoteelka ayagoo qol waliba kusoo dhex toogtay dadkii ku noolaa, ugu dambaystiina Hotelka gudahiisa  isku qarxiyey labadooduba.

 
 Afhayeenka Al shabaab Sheekh Cali Dheere  waxa sheegtay  in weerarkaasi ay fuliyeen Ciidamada Kumaandoska ee Al Shabaab, wuxuuna xusay inay ku dileen ilaa 60 ruux oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil iyo dad uu sheegay inay ahaayeen qurba-joog la shaqeeya dowladda .
 
Gudoomiyaha Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys ayaa taageeray qaraxii iyo weerarkii maanta lagu dilay Xidhibaano ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya,Saraakill iyo dad shacabka ah oo ku sugnaa Hoteelka Muna ee degmada X/weyne .
 
Falka ka dhacay Hotelka Muna ayaa ah mid wali qasaarahiisa isa soo taraya, waxaana jira Xildhibaano dhowr ah oo ku dhaawacmay weerarkaasi.

xasuuq Muna.jpg
naftii-hure1.jpgnaftii-hure.jpg

Add New Comment