ciidanka Al shabaab ayaa xildhibano ka tirsanaa Dowladda ku laayay Hoteelka ku yaal degmada X/weyne


Xildhibaano ka tirsanaa barlamaanka dowladda KMG ah iyo Gannacsato ku noolaa Hotelka MUNA ee degmada X/weyne ayaa waxa rasaas iyo isku qarxinba ku baabi-yey koox Al shabaab oo  soo libisatay dharka ciidamada boliiska dowladda KMG ah ee soomaaliya .


kooxda hubaysan ee Al shabaab  oo ciidamada Booliiska dowladda KMG  sidoodii usoo labisatay ayaa laayay  Dadkii deganaa Hotelkaaasi  Muna ee degmada X/weyne dadkaasi la dilay waxaa ka mid ahaa  Xildhibaano ka tirsanaa baarlamaanka dowladaa KMG ah ee Soomaaliya iyo Ganacsato .

 
Kooxahii hubaysnaa  markii ay gudaha u galeen hoteelka  dadkii ku sugnaa ayay rasaas  ku fureen  taasoo sababatay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana durbadiiba ay kooxahaasi mid mid u dileen xildhibaanadii iyo dadkii kale ee ku  tuhmaayeen Dowladda ee sugnaa gudaha Hoteelkaasi.
Markii shanqarta Rasaasta ay gaartay dhagaha Ilaaladii  hoteelka waxay  ogaadeen  in koox hubaysanne ay gudaha ku jiraan ,ciidamadii ilaalaha waxayna  durbadiiba  isku gadaameen Hotelka waxayna ay is weydaarsadeen kooxihii hoteelka ku jiray rasaas,dhowr daqiiqo kaddib markii ay u suurtageli waysay koox Al shabaab ee dilka u gaysatay xildhibaanadda inay dib uga soo baxaan hotelka waxay isku dhex qarxiyeen hotelka gudahiisa taasoo qasaaraha dhimasho gaarsiisay ilaa 30 ruux oo lix xildhibaano ah lix xildhibaan kalana waa dhaawac.
Sidoo kale waxaa lasoo sheegay  madaafiic inay ku hoobteen Hoteelka Naasahablood ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya welina lama sheegi karo haybtooda xildhibaanada qasaare ka soo gaaray  labadaasii dhacdo .
Dhaawacii  waxaa lagula carraray Cisbitaalada Magaalada Muqdishu iyadoo maanata ay adagtay socsocodka gaadiidka iyo dadka  dagaalo culus  oo magaalada ka socdo awgeed.


wixii war soo kordha kala soo xirriira www.silgor.com

Add New Comment