Ciidamada Xarakada Al Shabaab oo kusoo fiday wadada Maka


Tangiyada iyo gawaarida gaashaaman ee Ciidamada AMISOM ayaa si rahan rahan ah ugu soo dhaqaaqay dhanka wadada Maka Al-Mukarama si ay difac adag kaga galay waddadaasi kadib markii ciidamadii safka hore ee dowladda KMG ah iyo Kuwa Ahlu sunna dib loosoo riixay.

 Ciidamada Al Shabaab ayaa shalay dagaal soo qaaday kaddib markii Afhayeenka  Xarakada Al Shabaab Sh.Cali uu warbaahinta kaga dhawaaqay in uu bilowday daqaalkii kala baxa ama sida uu yiri " MACRAKADII NIYAAYATUL MUCTADIIN" kaasoo uu ku baaqay in dagaalku bilowday shalay bilowday aanu joogsan doonin ilaa ay ka saaraan dhammaan goobaha  Muqdishu ay kaga sugan yihiin Dowladda KMG ah ,Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM .

 Afhayeenka xarakada Al shabaab  waxa uu shacabka ku nool goobaha laysku farasaaray ugu baaqay inay ay guryahooda ka sammaystaan Dhufaysyo ay kaga gabadaan Madaafiic culus ee laysku adeegsanaayo.
 
 
Wararka maanta naga soo gaarayo magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in saf ballaaran uu dagaalka kaga socdo Degmooyinka Boondheere, Wardhiiglay,H/wadaag iyo Hodan, sidooo kale degmooyinka ku dhaw dhawna sida Degmada Waaberi,Xamar jabjab,Yaaqshiidiyo shibis,waxaa kusoo hoobaanaaya Madaafiic culus iyo xabaddo wiifto ah oo aad u tiro badan taasoo hakad gelisay isu socodka gadiidka iyo dadkuba.
Sidoo kale waxaa joogsaday ganacsigii ka socday suuqa Bakaaraha kadib markii ilaa shalay ay ku socotay duqayn Madaafiic culculus dad badanna ay ku geeriyoodeen, waxaa sidoo kale gebbe ahaanba joogsaday isticmaalkii jidka weyn ee Maka Al-Mukarama ilaa jidka N4 halkaasoo maanta noqotay goob dagaal oo aan cidna fooda gelin karin.

Sarkaal u hadlay Shabaab ayaa warbaahinta saaka u sheegay in Ciidamada Dowladda ay ka qabsadeen fariisimo dhowr ah, oo ay kasoo saareen shalay goobihii ay ka dagaalamayeen.

Afhayeen u hadlay Dowladda KMG ah ayaa sheegay in Xarakada Al habaab oo keliya ay qaadayaan mas'uuliyada dagaalada culus ee magaalada ka socda maadaama iyagu ay ku baaqeen dagaalka soona bilaaweena.

Sidoo kale Afhayeenka AMISOM Barigiye Bahoku ayaa dhinaciisa cadeeyay in dagaaladani aanay aheyn wax ku cusub, isagoo xusay in mar walba xarakada Al Shabaal ay dagaal ku baaqi jireen .
Bahoku ayaa tilmaamay inay la socdaan dhalinyaro ay Alshabaab ka soo qafaaleen Gobolada ay ka taliyaan , kuwaasoo uu sheegay in lagu soo qasbay inay ka qaybgalaan dagaalada ka socdo magaalada Muqdisho .

Dagaalka ilaa shalay ka socday magaalada Muqdihso waxaa ka dhashay qasaaro aad u weyn , inta la ogyahay ilaa hadda waxa ay dimashadu ay kor u dhaaftay ilaa 40 Ruux oo rayid u badan, dhawacana waxa uu kor u dhaafay 110 ruux oo u badan haween iyo ciyaal gurigooda uu ku dhacay Madaafiicda waaweyn ay tuurayaan ciidamada AMISOM.

wixii war ah oo soo kordha waxaad kala soo xirriri kartaan www.silgor.com

Add New Comment