Dagaalo aad u culus ayaa ka socda magaalada Muqdisho


Galabnimadii maanta ayaa dagaal saf ballaaran ah waxa uu ka bilowday degmooyinka Hodan H/wadaag iyo Boondheere ,dagaalka waxaa isku haya Dowlada KMG ah, Ahlusunna iyo AMISOM oo kasoo horjeedaan Xooggaga Mucaradka hubaysan, dagaalku waa mid aad u culus waxaana laysku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan iyoo madaafiic lagu garaacayo qeybo ka mid ah magaalada caasimada ah ee Muqdishu iyo Suuqa weyn ee Bakaaraha.
   
Isbitaalada magaalada Muqdishu waxa laga soo ogaaday in dhimashada ay gaartay 19 qofood inta la ogyahay halka dhaawacuna uu aad u badan yahay.

Iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan ayaa  shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah waxa  soo wajahay dhibaatooyin ay ugu horreyso barakac,gaajo iyo dagaal aan dhammaad laheyn .

Add New Comment