Wiil dhalinyara ah oo ku dhintay xalay miino uu ku aasayay waddo

 
 Guddoomiyaha degmada Xamarjajab C/baasid Maxamed Xasan ayaa saxaafadda usoo bandhigay miino laga soo saaray waddada iyo meydt wiil dhallinyar oo uu sheegay inay dishay miino uu wadadada  ku aasayey, waxaa kale uu guddoomiyuhu  saaxafadda usoo bandhigay wiil ka tirsanaa  kooxaha kasoo horjeeda Dowladda kasoo laguna soo qabtay howlgal ay shalay ciidamada dowladda ka sameeyeen isla degmada Xamarjajab .

  Waxaa sidoo kale saxaafadaa la hadlay Afheyeenka Ciidanka Boliiska DKMG ah ee Soomaliyeed Gaashaanle Sare C/llaahi Xasan Bariise wuxuuna sheegay meytka Wiilka dhallinyarada ah inuu ka mid yahay kuwa ay soo qaldeen maleeshiyaadka Kooxda Al Shabab Al Mujaahidiin, falkii uu u maleegayay Bulshada Soomaliyeedna uu isaga ku halaagsamay  naftiisiina ku waayay.

  Si kasto ay ahaataba qaraxa miinadani ma aha tii ugu horreysay ee disha qofkii dhigaayay ee waxaa jirtay  bishii tagatay miino lagu aasayey  wadada Afisyooni ee magaalada Muqdishu  inay  miinadii  ku qaraxday qofkii dhigayey meydkiisiina subaxnimadii lagu arkay qoobtaasi, soo noqnoqosha dhacdadani  waxay caddeynaysaa in Ragga Miinada dhigaya aanay wax Qibrad ah u laheyn .

Add New Comment