Nabadoon Axmed Diiriye oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada Banaadir iyo Bari


Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka iyo in waddanka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa waxa uu si gaar ah ugu baaqay xoogagga ku dagaalamaya magaalada Muqdisho inay joojiyaan dagaalka oo ay qilaafaadka u dhexeeya wadahadal ku xalliyaan, asagoona meesha ka saaray in dagaalada socdaa ay yihiin kuwo jihaad ah.

Sidoo kale ayaa waxa uu Nabadoon Axmed Diiriye baaq gaar ah u diray Maamul-goboleedka Puntland iyo wadaadka ay dagaalka kula jiraan ee Sheekh Sheekh Maxamed Saciid Atom oo uu ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka, wixii qilaafaad ah ee dhexdooda ka jirana ay wadahadal ku dhammeystaan.

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa inta badan ku baaqa in la joojiyo dagaalada ka jira Soomaaliya ayagoo aan kala saarin gobollada dalka, hase ahaate ma jirto cid jawaab wanaagsan ka bixisa baaqyadoodaas ama soo dhoweysa, waxaana qolo walba ay halkeeda kasii waddaa dagaalka ay kula jirto qolada ka soo horjeedda iyo weliba ayadoo hawada laysu mariyo hanjabaado iyo hurin dagaal oo qalbi jab ku keena shacabka Soomaaliyeed ee u ooman nabadda.

Add New Comment