Maamulka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo oo ku hanjabay inay weerari doonaan degmada Doolow
Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo ayaa ku hanjabay inay dhowaan xoog kaga saari doonaan degmada Doolow ciidamada ka kala tirsan Dowladda KMG iyo Culimaa'udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee hadda degmadaasi ku sugan.
Sheekh Farxaan Cabdi Ciilmooge oo ah guddoomiyaha Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo ayaa sheegay in maamulkoodu uu ka warqabo dhaqdhaqaaqyada ay halkaasi ka wadaan ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna Wal Jamaaca,
Sheekh Farxaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in ciidamadooda oo kaashanaya kuwa mujaahidiinta kale ay xoog kula wareegi doonaan degmada Doolow, kana saari doonaan kuwa haatan gacanta ku haya.
Waxa beryihii ugu dambeeyey soo badanayey hanjabadaha ay warbaahinta isu mariyaan labada dhinac ee Dowladda KMG iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah iyo maamullada Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab oo dhinaca kale ah, ayadoona sida laga warqabo ay qaybo ka mid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow ku sugan yihiin ciidamo fara badan oo loo soo tababaray Dowladda KMG iyo Culimada Ahlu Sunna.
Add New Comment
|
|
|