Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hiiraan State oo lagu Caleema Saaray Magaalada Nairobi.


Xaflad aad u balaaran oo si wanaagsan loo soo abaabulay oo lagu caleemasaarayey madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan State  ayaa xalay  lagu qabtay  hotelka Intercontinental ee magaalada Nairobi.

Xafladan caleema saarka madaxwaynaha Hiiraan state Maxamuud Cabdi Gaab iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa Isaaq Cali Cabdulle, ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax sare siyaasiyiin ,waxgarad,  odayaal dhalinyaro haween iyo qaar ka tirsan fanaaniinta qaranka soomaliyeed.

Madaxdii  ka soo qaybgashay xaflada ayaa ka mid ahaa mudane Faarax Macallin gudoomiye ku-xigeenka baarlamaan Dowladda  Kenya isagoo ku bilaabay hadalkiisa hambalyo uu u hambalyaynayo madaxwayne Maxamuud cabdi Gaab iyo shacabka reer Hiiran talaabada ay qaadeen taas oo uu yiri “waxaa loo baahnaa umada reer Hiiraan inay ku talaabsadaan mar hore”, wuxuu inataa ku daray “waxan aaminsanahay in aad samaysateen maamul ka ka tirsan jamhuuriyadda Soomaaliya oo ayna tahay talaabada kaliya ee xalka loogu heli karo dhibaatooyinka daba dheeraaday ee ka tagan soomaaliya maanta” .


Mudane Faarax Macalin - Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya

In maamul  lasameeyo ayuu yiri mudane Farax waxay horseedeysaa horumar iyo dagnanaan u soo hoyota gobolka iyo guud ahaan dalka iyo inaysan awood qeybsiga ku koobgnaanin magala madaxda muqdisho.

Wuxuuna ka digay mudane Faarax Macalin in anan madaxda gobolka lagu dooranin  waa reer hebel ama inaan lagu yasin qabiilkiisaa awood yar sababtoo ah allah hortiisa ayuu latagaya xilka uu bulshada u hayo alah ayaana la xisaabtamidoono mas’uulka.

Wuxuuna ugu dambayntii dardaaran u jeediyey madaxda maamulka Hiiraan sate in ay ku xukumaan shacabkooda sinaan iyo cadaalad aysan lunsanin hantida umadda .

Isagoo carabka ku adkeeyey inuu tagi doono Hiiraan state uusana ka baqaynin qaraxyada fulaynimada ah ee lal beegsado madaxda umada iyada oo uu xusay dilkii mudane cumar xaashi alaha u naxariistee, wuxuuna mudane faarax hadalkiisii kusoo gunaanaday in si xilkasnimo ah madaxwaynha howshiisa u guto.

 Intas kadib waxaa makrafoonka lawareegay sh.c/qaadir sh muumin isagoo halkaasi ku dhaariyay madaxwaynaha maxamuud cabdi(gaab) iyo madaxwayne ku xigeenka col.isaaq c/lle cali  iyagoo ku dhaartay kitaabka qu’aanka inay danaha Hiiraan state ka shaqaynayaaan.

Intaa kadib waxaa si wayn loogu soodhaweeyey xaflada madaxwaynihii hore ee Somalia mudane Cali Mahdi Maxamed oo tariikh ku leh shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Cali Mahdi ayaa hambalyo u diray bahwaynta reer Hiiraan wuxuuna si aad ah uga waramay taariikhda dheer ay Hiiraan ku leedahay soomaliya iyo in waqtigii gobaninmada loo halgamayay ay Hiiraan u hurtay rag baal dahab ah ka galay taariikhda soomaaliyeed manta, wuxuuna ka xusay; madaxwaynihii hore Aadan Cabdulle Cismaan, Ra’issulwasaarihii ugu horeeryey Soomaaliya Cabdullahi Ciise iyo siyaasigigii rug-cadda ahaa Sheekh Cali Jumcaale  iyo qaar kale.

Fanaaniinta qaranka soomaaliya ee wabari ayaa ayagana wacadaro halkaa ka dhigay ayaga ay ka muuqdeen fanaaniin can ah sida aMaxamuud Goox Qarboosh, Shamsa, Aargute, Barrow fanaanintu waxa markii ugu horeysay halkaas ka qaadeesn heeso loo alifay Hiiraan tate sida heesta Hiiraan waa nabad uu ku luqaynayay Qarboosh, iyo heesta Africa ay qaaday fanaanada Shamsa iyo heesta talo ay si wada jir ah u qaadayen fanaaniinta heesahaas aya ahaa ku aad qiiro iyo wadaniyad ku abuuray dadkii halkaas xafladda uga soo qayb galay.

Xafladan ayaa dad aad ubadan ka hadleen oo mudnaan iyo qadarin ku dhex leh reer Hiiran waxa kamid ahaa gudoomiyaha jaaliyada beesha xawaadle ee nairobi ENG.Cade Duqow mudane cade ayaa aad uga waramay tariikhda Hiiraan isagoo sheegay inay ku nool yihiin gobolka hiiran 13 qabiil ayna thay Hiiraan magaalada ku xikta xamar ay qabaa’ilka soomaaliyed wada dagaan ayna rabaan si nabadgalyo iyo horumarle ku wada noolaadaan.

Caasho Cabdalla oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Dowlada Federaalka ayaa si way uso dhawaysay maamulkan la unkay waxayna tiri in soomaliya hoos laga soo dhiso waa waxa aanu u baahan nahay nidaamka dowladuna ee federalka ahna ku disanyahay iyadoo ugu baaqday gobolada kalana inay ku daysadaan talaabada ay qaadeen reer Hiiraan.

Waxay Caasha shegtay in soomalidu u baahan yihiin hogamiye wanaagsan madaxwayne maxamuudna ay hortaallo inuu sateteka ka dhigo mid xoog badan uuna tooshka nabdda ka ifiyo wadnaha soomaaliya.

Sidoo kale waxay ka codsatay caashoc/lla inuu madaxwaynaha furo xeryihii lagutababri jiray ciidamada ee ku yaalay Hiiraan si loogu taba baro ciidamada dowlada maadaam ay ciidan la’an ka socon la’dahay dowlada federalka ah .

Waxa muhiim ah ayay tiri in la xaq dowro haweenka iyo dadka laga tirade badanyahay  oo waliba gabdhaha 50% ay dowlada Hiiraan stae ku yeeshaan taas aad loogu amaani doono hadii uu sameeyo madxwaynaha.

Dadkii badnaa ee halkaa qudbada ka soo jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha jaaliyadda reer Puntland oo halkaas ka sheegay in dowlad goboleedka Puntland ay soo dhaweyneyso maamulkan cusub ee laga sameeyey gobolka Hiiraan. Waxaa isna halkaas ka hadlay gudoomiyihii hore ee degmada Beled Weyne, mudane Cabdi Xueen sendico, gudoomiyaha jaaliyada beesha mudulood ee Nairibi . Sidoo kale mudane Sh. Khaliif Guure Cali oo ah madax ka ah oday dhaqameedyada Jobooyinka.  Waxaa isna halkaas khudbad qiima leh ka jeediyey Xildhibaan maxamed xuseen (qoono) oo u sheegay in maamulkan looga baahan yahay in ay mideeyaan dhammaan shacabka reer Hiiraan. Wuxuuna u caddeeyey in haddii ay howshaan sidii la rabay u gudan waayaan in maamulka dib ugu soo celiyaan shacabka reer Hiiraan.

Ugu damayntii waxaa si aad loo sugayay qudbadii madax waynaha , madaxwayne maxamuud acabdi gaab aya qudbad aad u heer saraysa u soo jeediyay ka soo qayb galayashii xaflada madaxwayne cabdi gab waxuu ku bilaabay qudbadiisa mahadnaq uu u mahadnaqay madaxada meesha fadhisay waxuuna si toos ah u guda galay sababta loo aas aasay Hiiraan state taas uu ku sheegay in 20kii sano ee lasoo daafay ay reer Hiiraan samaysan wax maamul goboleed ah ayana sugayeen dowlad heer qaran ah oo adag oo sugta ammaanka gobolka Hiiraan. Sidaas darteedna aynan helin reer Hiiraan adeegyadii bulsha muhiimka  u aha sida waxbarasho caafimaad iyo nabadgalyada

Wada tashi dheer oo dalka iyo dibada ah kadib waxaa magaalada Nairobi lagaga dhawaaqay dowlad goboleedka Hiiraan State oo ka talin doonta danaha reer Hiiraan.

Madaxwaynahay ayaa sheegay inaysan ahayn Hiiraan State nidaam gooni u goosad ah uuna hoos imanayo dowladda federalka ah ee soomaliya taageero buuxdana u hayo qarannimada iyo wada jirka soomaaliya.

Madaxwayne Cabdi Gaab wuxuu yiri siyasadeenu mahan dagaal waxaan rabnaa inaan xasilooni iyo nabad waarta siino Hiiraan haduu alle idmo.

Nolosha reer Hiiraan ma aha mid galayso gor gortan inay sharaf ku noolaadan reer Hiiraanna wax walba oo qaali ah ayaan u hurayaa ayuu yiri madax wayne cabdi gaab .

Madaxwaynaha ayaa ugu baqay qabaa’ilka daga Hiiraan inay ka soo horjeestaan wax alale iyo wixii dadkooda dhibataynaya oo midnimadooda wiiqaya madaxwaynaha wuxuu sheegay in dadkii laga barakiciyay hoygoodii  aysan Hiiraan ka jirin dowlad ama hay’ado dadka kalmeya waana in loo gurmadaa bulshada reer Hiiraan ee dhibataysan wixuuna qudbadiisa madaxwaynah gusoo gunaanaday in uu tagi doono Hiiraan state sida ugu dhaqsiyaha badan dowladiisana soo dhisi doono dowlada federalka soomaliyana ay caawiso Hiiraan state.

Waxaa xusid mudan in idaacadaha BBCda iyo VOA ay ka gaabsadeen in ka warbixiyaan xafladdaan caleemasaarka. Ayaga oo sida ay caadadu ahayd mar waliba ka warbixin jiray dhacdooyinka noocaan oo kala ah. Waxaa xafladda ka dhex muuqday TVga Universal iyo Idaacado kale oo ajinabi ah.

Add New Comment