Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ku gubtay magaalada Muqdishu raashin calaamadda hay'adda WFP ay dusha kaga tiil.


Maamulka Xarrakada ee Al Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa maanta ku gubay magaalada Muqdisho cunto dhacday oo ay horay u bixisay barnaamijka cunnada adduunka ee WFP, waxayna digniin siiyeen Ganacsatada ama qofkii lagu helo raahinka WFP in lagala wareegayo Gaadiidka uu ku sido iyo Bakhaarka lagu hayayba raashinkaasi.

  Maamulka Al Shabaab wuxuu sheegay inay  ganacsatada ay siinayaan muddo laba maalmood ah oo raashinka WFP oo ay ku hayaan Bakhaarahooda ugu wareejiyaan walaayaadka gacanta ku haya deegaannada ay ku sugan yihiin, wixii markaas ka dambeya inay sharciga la tiigsan doonaan qofkii ay ku qabtaan rashinkaasi dhacay.

Raashinka la gubay ayaa waxaa dusha sare kaga yaallay calaamadda hay'adda WFP, wuxuu isugu jiray Galley, Boorash iyo Qamadi, waxa la sheegay in Xarakada Al Shabaab howlgallo ay ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir in raashinkan ay soo ururiyeen maalmo kala duwan ayna qaarkood soo qabteen iyagoo lagu wado gaadiid, halka kuwo kalena ay ka soo saareen bakhaaro ay ku keydsanayeen.

Add New Comment