Maleeshiyaadkii Sheekh Atom oo dib ugu soo laabtay degaanka Galgala


Wararka ka imanaya Ismaamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in xoogaggii uu hoggaaminayey wadaadka Sheekh Maxamed Saciid Atom ay dib ugu soo laabteen degaanka buuraleyda ah ee Galgala, kaddib markii sida la sheegay ay ciidamadii Puntland ay isaga soo baxeen halkaasi.

Degaanka Galgala ayaa maleeshiyada Sheekh Atom waxa horey uga saaray ciidamada Puntland kaddib dagaal halkaasi ka dhacay toddobaad ka hor, kasoo wadaadkuna u sheegay inay halkaasi uga soo baxeen xeelad dagaal iyo dagaalku sii socon doono.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlad-goboleedka Puntland iyo kooxda Sheekh Atom, waxaase dad goobjoogayaal ahi sheegayaan in kooxda Sheekh Atom ay shalay halkaasi soo gaareen ayadoon wax dagaal ahi dhicin, dadka degaankuna ay aad u soo dhoweeyeen.

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa Sheekh Atom horey ugu eedeysay inuu gacan saar la leeyahay Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, hase ahaatee waxa eedeyntaasi beniyey Al Shabaab iyo Sheekh Atom qudhiisa oo sheegaty inuusan wax xiriir ah la laheyn, balse uu ka dhexeeyo mabda'a Islaamiga ah.




Add New Comment