Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayey oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii la socday ee beryahan booqashada rasmiga ah ku joogay waddanka Suudaan ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey madax ka kala tirsan golayaasha dowladda iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo saraakiisha AMISOM.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo markii uu ku soo sama noqday xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia la hadlayey xildhibaanno iyo wasiiro ayaa sheegay inay dowladdu ay u diyaargarowday sidii ay dalka uga badbaadin lahayd waxa uu ku sheegay cadow dalka kusoo duulay.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa intii uu ku guda jiray safarkiisii waddanka Suudaan halkaasi kula kula soo yeeshay madax sar sare oo reer Suudaan ah oo uu ku jiray madaxweynaha dalkaasi mudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay ka wada hadleen xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.


Add New Comment