Dowladda Soomaaliya iyo Culima'udiinka Ahlu Sunna oo isla oggolaaday in ay xoojiyaan dagaallada ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Culima'udinka Ahlu Sunna oo shalay ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa isku raacay inay xoojiyaan dagaallada ay kula jiraan xoogagga Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.

Kulankan ayaa waxa qabanqaabadiisa lahaa Urur-goboleedka IGAD, waxayna Dowladda iyo Ahlu Sunnaba sheegeen inay muhiim tahay in si wadajir ah loola dagaalamo Xarakada Al Shabaab oo ay ku sheegeen inay dhibaato ku hayaan Soomaaliya.

Ergooyinka labada dhinac shirka uga qaybgalay ayaa waxa ay beesha caalamka ka codsadeen in laga taageero dhinacyada mileteriga iyo dhaqaalaha, taasoo ay sheegeen haddii la siiyo ay soo celin karaan nabadda iyo xasiloonida waddanka Soomaaliya.

Waxa ayagana kulankaasi ka qaybgalay ergo ka kala socotay Urur-goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay kuwaasoo soo dhoweeyey isku afgarashada labada dhinac ay isku afgarteen in la xoojiyo dagaallada ka dhanka ah Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, waxayna intaa ku dareen in beesha caalamku ay gacan ku siin doonto dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya loo nabadeeyn lahaa.


Add New Comment