Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Suudaan oo yeeshay kulan looga hadlay nabadeynta Soomaaliya


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Suudaan ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir.

Raadiyaha dalka Suudaan ayaa sheegay in madaxweyne Al-bashiir uu Sheekh Shariif u soo bandhigay qoshe nabad waarta loogu heli lahaa dalka Soomaaliya, oo ay ka mid tahay in wadhadallo laga dhexfuro xukuumadda iyo kooxaha diiddan.

Ilo wareedyo ka tirsan xukuumadda dalka Suudaan oo ay warbaahintu soo xigatay ayaa sheegay in madaxweyaha Soomaaliya uu soo dhaweeyay qorshe walba oo lagu doonayo in lagu nabadeedyo Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa horay rajo xumo uga muujiyay wadahadallo laga dhex-furo dowladdiisa iyo kooxaha dagaalka kula jira, kuwaasoo iyaguna horay u sheegay inaysan wax wadahadal ah la galayn dowladda KMG ah.

Sidoo kale labada mas'uul ayaa kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan, gaar ahaan dhinaca siyaasadda, waxaana labada mas'uul ay si weyn uga hadleen soo celinta ammaanka dalka Soomaaliya, kaddib muddo 20-sano oo rabashado ah ku dhow.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Suudaan, waxaana shalay isaga iyo wafdi xildhibaannao iyo wasiirro isugu jira oo uu hoggaaminayo ay ka duuleen magaalada Muqdisho.


 

Add New Comment