Duqeymo la isku weydaarsaday magaalada Muqdisho oo dhimasho u geysatay dad barakacayaal ah


Madaafiic ayaa waxaa ay galabta ku hoobteen xiroyin ay ku noolaayeen qoysas Barakacayaal ah oo ku yaala degmooyinka H/wadaag iyo Hodan ee Magaakada Muqdisho  halkaasi oo ay ku dinteen ilaa 8 ruux oo u badan Haween iyo Caruur iyadoo ay ku dhaawacmeen qaar kale oo kor u dhaafay 21 kale.

Afar(4)ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen Caruur walaalo ah oo hal guri wada joogay waxaana ka badbaaday madfacaasi waadidka dhalay carruurtaasi , dadka dhintay waxaa kaloo ku jiray haween uur lahaa.
 
 Dhanka kale ee magaalada Muqdishu , madaafiic ayaa sidoo kale  ku hoobatay degmada Boondheere qaybo ka tirsan iyo saldhiggyada ciidamada AMISOM ay ku leedahay Degmadaasi, lama soo sheegin khasaarihii  ka dhashay duqayntaasi,inkastoo la filaayo inayan geesan qasaare weyn sababtoo ah  waxaa aad u yar dadka rayidka ah ee ku harsan degamda Boondheere.
 Waxa kaloo la sheegay Qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya kuwaasoo saarnaa gaari maraayay jidka hormara Dugsiga 12-ka Oktoobar , qaraxaasi waxa uu gaystay qasaare ah 3 qof oo rayid ah oo ka dhawaa goobtaasi.
 
Lama hayo ilaa hadda cid sheegatay inay ka dambeyso qaraxaas miino iyo cid loo xiray arrintaasi, sidoo kalena ma jiraan hadallo kasoo yeeray  dowladda, AMISOM iyo xoogagga hubeysan oo ku aadan arrintaan.

Add New Comment