Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ku baaqay wadahadal nabadeed


Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabaddoon Axmed Diiriye Cali ayaa maanta ka dalbaday Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam inay wadahadallo la furaan dowladda Soomaaliya.

Axmed Diiriye oo la hadlayay saxaafadda Muqdisho ayaa yiri: "Dowladda waxay u aragtaa nabadeynta aan wadno mid loo baahan yahay, waxaan ka codsanaynaa dhinacyada kasoo horjeeda inay sidaasoo kale u qaataan talooyinkeenna, waayo waxaan nahay kuwii lasoo dagaalamay."

"Innagu dowladda ma taageersanin, umana xaglinayno, waxaan nahay odayaal dhaqan oo nabadda ka shaqeeya, cid walba waan la hadlaynaa, waxaan doonaynaa in la tixgeliyo talooyinkeenna," ayuu yiri Axmed Diiriye oo ka hadlayay fikirka laga haysto oo ah inay la safan yihiin dowladda.

Nabaddoon Diiriye ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay isugu keenaan dowladda KMG ah iyo xoogagga kasoo horjeeda, si loosoo afjaro colaadda uu dhiigga badan ku daatay ee ka taagan Soomaaliya.

"Waxaan doonaynaa inaan soo afjarno colaadda muddada 20-ka sano ku dhow ka taagan Soomaaliya, waxaan ka codsanaynaa dhinacyada oo dhan inay tixgeliyaan fariimaheenna nabadeed," ayuu yiri Axmed Diiriye.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku cel-celisay inay diyaar u tahay wadahadal ay la furto kooxaha kasoo horjeeda, si loo dhameeyo khilaafaadka ka taagan guud ahaan dalka.

Laakiinse, Xarrakatul Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam oo dagaal kula jira dowladda KMG ah ayaa horay ugu gacan-sayray inay wadahadal la furayn dowladda oo ay ku eedeeyeen inay dalka ku hayso ciidamada AMISOM.

Dhanka kale, warsaxaafadeed uu golahan soo saaray ayaa waxay cambaareyn dusha kaga tuureen kooxo ay sheegeen inay sheegtaa magacooda ayna warbixinno ku soo saaraan, iyagoo sheegay inaysan yihiin kooxo nabad-diid ah oo aan la qaadan karin wararkooda.


Add New Comment