Xildhibaannada Kudlada oo mar kale xukuumadda ugu baaqay inay barlamaanka hor timaado


Xildhibaannada ku bahoobay Kudlada Toosinta iyo Badbaadada Qaranka Soomaaliyeed oo maanta ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa mar kale Xukuumadda ra'iisul wasaare Sharmaarke ugu baaqay inay hortimaado barlamaanka Soomaaliya si ay u hesho kalsoonida xildhibaannada Barlamaanka.

Xildhibaanadan ayaa kulankoodaasi uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan la xisaabtanka hay'adaha Dowladda iyo sidii wax loogaga qaban lahaa jahawareerka ka jira xukuumadda KMG ah dhexdeeda.

Xildhibaannada ayaa kaddib markii uu soo dhammaaday kulankooda soo ssaray war saxaafadeed ka koobnaa qodobo dhowr ah oo uu saxaafadda u aqriyey Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo sheegay in xukuumaddu ku guuldarreysatay samatabixinta shacabka Soomaaliyeed, wax ka qabasho la'aanta howlihii loo soo dhisay sida amniga, dib-u-heshiisiinta, gargaarka bani'aadaminimo, dhismaha hay'adaha dowliga ah iyo habsami u socodka howlaha dastuurka, taas ayuuna sheegay xildhibaan Afaraale inay sabab u tahay in xildhibaannadu ugu baaqaan xukuumadda inay barlamaanka hor timaado.

Muranka u dhexeeya xildhibaannada barlamaanka qaarkood iyo xukuumadda ra'iisul wasaare Sharmaarke ayaa in badan soo jiitamayey, ayadoona mar dhowaan ay xukuumaddu hor tagtay barlamaankana lagu soo kala dareeray ayadoonan wax natiijo ah oo la taaban karo aanan la gaarin.

Xildhibaannada ku bahoobay kudlada ayaa ugu dambeyntii caalamku ugu baaqay in caddaaladda la horkeeno cid kasta oo lug ka lahayd dembiyadii dagaal ee Soomaaliya ka dhacay, taasoo ay ku sheegaan inay tahay arrinta keliya ee aan ilaa iyo hadda waxba laga qaban, kana midka ahayd qodobbada heshiiskii Jabuuti.

Add New Comment