Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Banaadir oo maanta cafis u fidiyay maxaabiis


Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gobolka Banaadir ayaa maanta cafis u fidiyay 12-qof oo ku xirnaa xabsi Shabaabku ay ku leeyihiin degmada Dayniile ee duleedka Muqdisho, kuwaasoo ku eedeysnaa dambiyo kala duwan.

"Maadaama la galay bisha Ramadaan, Walaayada gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab waxay go'aansatay inay sii dayso maxaabiis, si ay ula ciidaan ehelladooda ulana cibaadeystaan," ayuu yiri Waaliga walaayada gobolka Banaadir e Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo saxaafadda la hadlay.

Waaliga ayaa sheegay in dadkan ay ku kala eedeysnaayeen xatooyo iyo kuwo iska dhigay ciidamo ka tirsan Xarrakatul Shabaab oo laga soo qabtay xaafadaha ay gacanta kaga hayaan gobolka Banaadir.

"Maxaabiista waxaan filayaa inaysan ku laaban doonin dambiyadii markii hore lagu soo xiray, waxaana cafiskan uu ka mid yahay cafisyo laga sameeyay dhammaan gobollada ay Xarrakadu ka taliso," ayuu yiri waaliga Xarrakatul Shabaab ee gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah maaxaabiistii lasoo daayay ayaa oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sii-daynta ayna kaga mahadcelinayaan maamulka gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Dhanka kale, walaayada gobolka Galguduud ee Xarrakatul Shabaab ayaa iyaguna maanta sii daayay maxaabiis u xirxirnaa dambiyo kala duwan, waxaana gobollada kale ee laga sii daayay maxaabiista ka mid ah: Hiiraan, Shabeellooyinka, Banaadir iyo Gedo.


Add New Comment