Wasiirka Amniga Qaranka Axmed C/Salaam: ma dooneyno inaan dagaal wax ku xallino


Wasiirka Amniga  Qaranka ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Axmed Cabdisalaam ayaa sheegay inaysan wasaaraddiisu qorshaha ugu jirin in dhibaatada ka jirta  Soomaaliya lagu xalliyo dagaal, base ay ku dadaali doonaan in wax walba lagu xalliyo wadahadal.

Wasiirka oo hadalkiisa ayaa sheegay in ciidamada Dowladda uu xil ka saaran yahay difaacadda Qaranka ayna iska difaaci doonaan weerar kasta oo uga yimaada dhinaca xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira, balse ay ayagu xalka ku raadinayaan wadahadal.

Mudane Axmed Cabdisalaam ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatada ay sabab u tahay shaqo la'aan heysa dhallinyarada, ayna dowladdu waddo qorsheyaal shaqo loogu abuurayo dhallinyarada, waayoo haddii qofku shaqo la'aan ku dhacdo wuu ku qasban yahay inuu qaato qoriga.

Hadalka wasiirka Amniga Qaranka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay xoogagga kasoo horjeeda dowladda ay ku baaqayaan inay sii labanlaabi doonaan dagaallada ay kaga soo horjeedaan ciidamada Dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Add New Comment