Maamullada Xarakatu Shabaab Al Mujaahidiin ee Gedo iyo Hiiraan oo maxaabiis sii daayey


Maamullada Wilaayaadka Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee gobollada Gedo iyo Hiiraan ayaa bisha Ramadaan ee barakeysan fadligeeda cafis u fidiyey dad ku xirna xabsiyada magaalooyinka Baardheer iyo Beledweyne.

Waaliga Wilaayada Xarakatul Shabaab ee gobolka Gedo ayaa sheegay in bisha Ramadaan fadligeeda ay xabsiyada ka sii daayeen tiro maxaabiis ah oo loo heystay dembiyo kala duwan, kuwaasoo qqarkood sugayey in lagu fuliyo xukunno tacsiir ah.

Waaliga Wilaayada  maamulka Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee gobolka Hiiraan Sheekh Yuusuf Cali Ugaas ayaa sheegay inay sii daayeen dhallinyaro dhowr ah oo loo haystay dembiyo kala duwan, kuwaasoo ku xirnaa xabsiyada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan bisha Ramadaan ee barakeysan fadligeeda.


Add New Comment