Ciidamada AMISOM oo sheegay inay u diyaargaroobeen inay is difaacaan


Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Major Barigye Ba-Huko ayaa sheegay in ciidamadoodu ay u diyaargaroobeen iska caabinta weerarrada laga filan karo xoogagga diiddan jiritaanka Dowladda KMG iyo joogitaanka ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Major Ba-Huko wuxuu intaa ku daray inay ka war hayaan in xoogagga Islaamiyiintu ay horey ugu dhawaaqeen inay xoojin doonaan dagaallada ay ku hayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, asagoona sheegay inay dhankooda u diyaargaroobeen inay iska caabbiyaan.

Xarrakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo ururka kale ee ka barbar dagaallama ee Xisbul Islaam ayaa horey u ballan qaaday inay xoojin doonaan dagaalka jihaadka ah ee ay kula jiraan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM inta lagu gudajiro bisha Ramadaan.

Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa marar badan oo hore ku gooddiyey inay magaalada Muqdisho ka sifeyn doonaan xoogagga kasoo horjeeda Dowladda, hase ahaatee dagaallo dhowr ah oo ay qaadeen kusoo fashilmay, kuna waayey gobo badan oo ay horey u joogi jireen.

Ciidamada AMISOM ayaa tiradooda lagu sheegaa inay ka badan tahay 6000 oo askari, waxayna gacan siiyaan ciidamada Dowladda KMG, sidoo kalena waxa ay ilaaliyaan goobaha muhimka ah ee dowladda sida guriga Madaxtooyada (Villa Somalia), Airport-ka, dekeeda weyn ee Muqdisho iyo waddooyinka isku xira.

Waxa kale oo ay AMISOM ciidamada dowladda ka taageeraan dhinaca farsamada marka ay dagaalladu socdaan oo ay kaga qaybgalaan dabaabadaha iyo gawaarida gaashaaman, dadka reer Muqdishana waxay AMISOM ku eedeeyaan madaafiicda arxan darrada ah ee ay ku garaacaan goobaha shacabku deggan yahay.


Add New Comment