Meles Zenawi oo sheegay inay ciidamadiisu soo geli doonaan Soomaaliya, hadda ciidamada AMISOM khatar la geliyo


Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa mar uu magaalada Addis Ababa kula hadlayey weriyeyaal sheegay inuu ciidamada dalkiisa mar kale u dirayo gudaha dalka Soomaaliya, haddii ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay qatar galaan, soona weydiistaan in la caawiyo.

Meles Zenawi ayaa waxa uu intaas raaciyey in aysan wanaagsaneyn in wax wada hadal ah lala galo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, taasoo uu sabab uga dhigay inay khatar ku yihiin ammaanka dalalka gobolka Geeska Afrika oo dhan, asagoona si cad uga dhawaajiyey in dalkiisu u diyaar u yahay dagaal uu la galo.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho oo ay tiradoodu dhan tahay 6000 oo askari ayaa ka kala socda waddamada Uganda iyo Burundi, kuwaasoo gacan siiya ciidamada Dowladda KMG, waxayna weerarro joogto ah kala kulmaan xoogagga Dowladda kasoo horjeeda, kuwaasoo beryihii ugu dambeeyey weerarro xooggan ku haayey, wax 1 kilometer ka yarna u soo jirsaday Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia).

Ethiopia ayaa horey ciidamo aad u tiro badan ugu soo dirtay gudaha dalka Soomaaliya si ay gacan u siiyaan dowladdii Col. Cabdullaahi Yuusuf ulana dagaalamaan xoogaggii Maxaakimta Islaamiga ee uu hoggaamin jiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa ayna ciidamadeeda kala baxday Soomaaliya sanadkii 2009 horraantiisii kaddib markii ay ku guuleysan waayeen inay sii joogaan Soomaaliya, dagaallo culculus oo muqaawamadii berigaas jirtay awgood, kuwaas Xarakatul Shabaab ay qayb ka ahayd.

Add New Comment