Shhekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada inta lagu jiro bisha Ramadaan


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa mar uu maanta magaalada Muqdisho kula hadlayey saxaafadda shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bisha Ramadaan, kuna baaqay in inta lagu jirobishan la joojiyo dagaalka lana caawiyo dadka barakacayaasha ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shacabku aysan u baahneyn dagaal, balse ay u baahan yihiin nabad iyo in loo gargaaro, wuxuuna xoogagga dowladda ka soo horjeeda ugu baaqay inay joojiyaan dgaallada.

Sheekh Cabdulqaadir ayaa ugu dambeyntii dadka Soomaaliyeed intooda wax heysata ugu baaqay inay gargaaraan walaalahooda ku dhibaateysan gudaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho ee aan ayagu waxba heysan.

Hadalka wasiirkii Arrimaha Gudaha ayaa ku soo beegmaya xilli maalmo yar ka hor ay Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaamba sheegeen inay sii xoojin doonaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Add New Comment