Madaxweyne Sheekh Shariif oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bisha Ramadaan


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha Ramadaan iyo baaq nabadeed u jeediyey shacabka Soomaaliyeed iyo xoogagga dagaalka kula jira dowladdiisa iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku hambalyeeyey bisha barakeysan ee Ramadaan, una rajeeyey inay Ramadaankaan kiisa kale ku gaaraan nabad, bash-bash iyo barwaaqo, wuxuuna ugu baaqay in shacabku is cafiyo, Allaahna cafis weydiistaan.

Sheekh Shariif ayaa mar uu la hadlayey xoogagga Dowladda kasoo horjeeda ugu baaqay inay joojiyaan dagaallada ay ku baaqeen, daadashada dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo inay ka shaqeeyaan nabadeynta dalka, kaddib markii muddo ku dhow 20 sano oo dagaallo sokeeye lagu soo jiray uu ku daatay dhiig fara badan.

Madaxweyne Shariif waxa kale oo uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed u baahan yahay nabad iyo dowladnimo oo aysan u baahneyn dagaal, sidoo kalena sheegay in kooxaha dagaallada ku baaqaya ay ka laabtaan.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama gudaha dalka Soomaaliya ay dhankooda ku baaqayaan in bisha Ramadaan la sii xoojiyo dagaallada loogaga soo horjeedo Dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM.

Add New Comment