Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo sheegay in joogitaanka hay’adaha caalamiga gudaha Soomaaliya la kordhin doono


Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Augustine P. Mahiga, ayaa sheegay inuu ku hanweynyahay in joogitaanka wakiillo ka socda xafiiskiisa la geyn doono gudaha Soomaaliya ayna horumarin doonto geeddi-socodka nabadda ee dalka halkaasoo ay Qarammada Midoobay ay si joogto ah xafiisyo ugu lahaayeen tan iyo 1991.

Ergeygu wuxuu sheegay in bilaha soo socda gudahooda, Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) uu kordhin doono tirada shaqaalaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ee jooga Garoowe, Puntland, iyo Hargeysa, Somaliland, si ay ugu biiraan shaqaalaha wadaniga ah ee ka socda xafiiskiisa oo horey u joogey.

"Tallaabadan kadib, Xafiiska Siyaasadda (UNPOS) wuxuu si xoogan ugu baahnaan doonaa inuu joogo Muqdisho inkastoo arrimo amaan awgood, waxaan u baahanahay inaan si taxadir leh u cabbaarno arrintan," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah. "Waxaa loo baahanyahay in la qabto hawlo badan, lalana xiriiro Dowladda Soomaaliyeed, AMISOM, ururrada aan dowliga ahayn (NGOs) iyo saaxibada kaleba, iyo weliba xog ururinta, maamul dhisidda, iyo hawlo kale oo fara badan oo la qaban karo keliya marka dalka la joogo."

Waqtigan hadda la joogo, in ka badan 60-shaqaale caalami ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo ay weheliyaan in ku dhow 800 oo shaqaale wadanka u dhashay, kana kala socda hay’adaha kala geddisan ee Qaramada Midoobay ayaa ku sugan dalka gudihiisa, kuwaasoo ku hawlan gaarsiinta gargaarka baniaadanimo iyo hirgelinta barnaamijyada dibudhiska iyo horumarinta dalka.

Qaramada Midoobay waxay si joogta ah gargaar baniaadanimo u gaarsiinaysaa dad lagu qiyaasay 3.2 milyan oo qof oo jooga gudahaSoomaaliya, gargaarkaaso lagu gaarsiiyo adeegyo ay ka mid yihiin caafimaadka, quudinta, biyaha iyo waxbarashada. Inkastoo hay’adda WFP ay si ku meel gaar ah u joojisay mashaariicdii ay ka wadday qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, haddana dad garaaraya 340,000 qof ee jooga Muqdisho ayaa weli la gaarsiinayaa gargaar cunto, halkaasoo ay joogaan dadka ugu dhibban.

Isla markaasna, Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Taageeridda AMISOM (UNSOA) ayaa si jjogta ah xarun ugu leh Muqdisho si uu isugu dubarido taageerada saadka (logistics) oo ay ka midyihiin hoyga, cuntada, iyo qalabka caafimaadka la gaarsiiyo ciidanka nabadilaalinta Midowga Afrika ee gaaraya 6,100.

"Qaramada Midoobay waxay si aad ah ugu hawlantahay si ay ugu dhowaato dadka ay colaaddu saameysay," ayuu yiri Danjire Mahiga.


Add New Comment