AMISOM oo madaafiic ku garaacay degaanka Km 13 oo ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah


Ciidamada AMISOM ayaa xalay madaafiic culus ku garaacay degaanka Km 13 ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku nool yihiin dad fara badan horey uga barakacay dagaalada iyo madaafiicda ka socota guud ahaan gudaha magaalada Muqdisho.

Madaafiicda AMISOM ayaa sida la sheegay inay timid kaddib markii madaafiic dhowr ah lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo shalay fariisin ka sameystay meel ku dhow degaanka Xoosh ee degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray dadka rayidka ah ee goobahaasi ku nool ayadoo wararkii ugu dambeeyeyna sheegayaan in madaafiicdaasi ay ku dhinteen dad barakacayaal ah oo tiradooda lagu sheegay 5 ruux, dhaawucuna uu kor u dhaafay 15 ruux.

Cabsi xooggan ayaa soo food saartay dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho, waxayna qaar fara badan oo ka mid ah dadkii ku noolaa degaanka Km 13 billaabeen inay qorsheystaan inay isaga sii cararaan halkii ay muddada dheer kusoo noolaayeen.

Inta badan madaafiicda ay ridaan ciidamada AMISOM ayaa waxa ay waxyeello kasoo gaartaa dadka rayidka ah, mana jirto cid ka hadasha dhibaatada heysata dadka rayidka ah, dhankooda xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda iyo AMISOM ayaa waxa lagu kari la' yahay inay joojiyaan madaafiicda ay ka tuurayaan goobaha rayidku deggan yahay.



Add New Comment