Ciidamada AMISOM oo fariisin cusub ka sameystay degmada Dharkeenleey


Ciidamada Midowga Afrika ka jooga magaalada Muqdisho ee AMISOM ayaa shalay fariisin cusub ka sameystay goob ka mid ah degmada Dharkeenleey ee koonfur-galbeed gobolka Banaadir, halkaasoo ay dhigteen ciidamo fara badan oo ku hubeysan taangiyo iyo gaadiid dagaal.

Ciidamada AMISOM ayaa la dareemayaa inay wadaan abaabul ay si tartiib ah isugu ballaarinayaan aagag kala duwan oo magaalada ah, ayagoo dhowaan fariisamo cusub ka sameystay goobo ku yaalla degmada Shangaani oo ka mid ah degmooyinka ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa howshoodu tahay inay ilaaliyaan goobaha muhiimka u ah Dowladda KMG ee Soomaaliya sida Airport-ka, dekedda weyn ee Muqdisho, Madaxtooyada, waddooyinka isku xira goobaha ay joogto dowladdu iyo ammaanka madaxda dowladda.



Add New Comment