Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya iyo wafdigii la socday oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay


Wafdigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Barlamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqsisho, kaddib markii ay socdaal qaatay dhowr toddobaad ku soo kala bixiyeen dalal ku yaalla qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Barlamaanka iyo wafdigiisa ayaa magaalada Addis Abeba ee xarunta dalka Ethiopia kaga qeyb galay kulan ay madaxda Baarlamaanada Afrika ku yeesheen halkaasi,  shirkaas oo loogaga hadlayay sidii ay isu kaashan lahaayeen Baarlamaanda Afrika iyo iyadoo kulankaasi lagu soo qaaday qodobbo ay ka mid ahaayeen xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Barlamaanka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulamo kula soo yeeshay diploomaasiyiin, xubno ka socda beesha caalamka gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda KMG Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo asagana si gooni gooni ah kulamo kula soo yeeshay magaalada Nairobi xubno ka socday Qaramada Midoobay iyo hay'adaha gacanta ka geeysta arrimaha ammaanka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed u heli lahaayeen tababarro iyo mushaar.

Masuuliyiinta Dowladda ayaa inta badan safarro ku soo kala bixiya dalalka deriska la ah Soomaaliya si ay dowladdu u hesho taageero uga timaada dalalka deriska ah iyo kuwa caalamkaba, hase ahaatee waxaa mar kastaba ka gaabiya dalalka beesha caalamka oo aan ayagu kasoo bixin kaalintii laga filaayey.  



Add New Comment