Soomaali laga soo celiyay Kenya oo Maanta la keenay Muqdisho


Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta laga soo dajiyay 81-qof oo laga soo duuliyay dalka Kenya, kuwaasoo ka mid ahaa kumannaan Soomaali ah oo lagu xirxiray howlgalladii ka socday xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dadkan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Burci Maxamed Xamza iyo xubno kaleoo dowladda ka tirsan.

Wasiirka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka gaabin doonin kaalinteeda ku aaddan daryeelka shacabkeeda.

“Anigoo ku hadlaya magaca ra’iisul wasaaraha, kan xukuumadda iyo midka shacabka Soomaaliyeed, waxaan kusoo dhaweynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay dalkooda hooyo kusoo laabtaan. Ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa, waxay ku dadaalayaan inay u fududeyso muwaadiniinteeda kusoo noqonaya dalkooda wixii tas-hiilaad ah oo ay u baahan yihiin inta ay la midoobayaan qooysaskooda iyo qaraabadooda,” ayuu yiri Burci.

Sidoo kale wasiir u dowlaha ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu xariirro joogta ah la sameeyay madaxda Kenya si wax looga qabta dhibaatada haysta Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.

“Ra’iisul wasaare Cabdiweli wuxuu xiriir la sameeyey mas’uuliyiin sar-sare ee Kenya oo ka tirsan xukuumadda Kenya si xal waara loogu helo dhibaatooyinka haysta Soomaalida ku nool Kenya,” ayuu mar kale yiri wasiir u dowlaha.

Dhanka kale, Burci ayaa sheegay in loo xilsaaray la tacaalida xaaladaha qalafsan ee haysta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool xaafada Islii wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, Cabdullahi Godax Bare iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Ameriko.

Ugu dambeyntii wasiir-u-dowlaha ayaa sheegay in dowladdu ay ugu baaqeyso hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka iyo kuwa xuquuqul insaanka inay gacan kaalmo ah siiyaan dadka Soomaaliyeed ee dib loogu soo celinayo Somalia, iyagoo la kaashanaya hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Dadkan ayaa waxay maalmo ku jireen xabsiyada magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana dadkan la sheegay inaysan haysan sharciyo ay ku joogaan dalka Kenya, taasina ay keentay in dib loogu soo celiyo maanta Muqdisho.

tarxil_k.jpg


Add New Comment