Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb-galay Bandhigga wax-qabadka hey’adda Miina-baarista Soomaaliya


Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qeyb-galay munaasibad ay hey’adda Miina-baarinta Soomaaliya ee Mine  Action .ku soo bandhiggeysay howllihii ay ka qabatay Gudaha Soomaaliya.

Munaasibadda oo aheyd mid lagu soo gudbinayey waxqabadkii hey’adda Miina-baarista Soomaaliya ee Main Action, ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, iyo saraakiil sarre oo ka tirsan hey’adda Miina-baarista, iyadoo munaasibadda inta ay socotay lagu soo bandhiggay shaqooyinkii hey’adda ay ka qabatay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan baarista iyo ka hortagga Miinnooyinka.

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, oo ka hadlay howlaha hey’adda Miina-baarista, ayaa sheegay in guulaha ay gaartay  hey’adda  Mine Action ay badbaadiyeen shacab Soomaaliyeed oo badan

Dhanka kale Danjiraha Midowga Yurub ayaa tilmaamay in natiijada laga gaaray ay tahay mid mustaqbalka wax weyn u tari doonta shacabka Soomaaliyeed, waxa uu ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan gacan siinta ciidammada Soomaaliyeed iyo hey’adaha amniga kala shaqeynaya sida hey’adda miina-baarsita ee Mine  Action, waxa uu intaa raaciyey in 300 oo Miino ah ay ka saareen meelo kala duwan oo Muqdisho ka tirsan 100 kalena ay bur-buriyeen.

Ra’iisl wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ka hadlay Munaasibadda ayaa dhankiisa si weyn ugu mahadceliyey hey’adda Mine Action howlaha ay Soomaaliya ka wadaan.

“Maanta waxaa maalin carruurteena ay si xoriyad ah u mari karaan waddooyinka iyaga oo aan la kulmin wax dhibaato ah, sidoo kale guusha laga gaaray howsha Miina-baarista waa arrinta si weyn u dhabar-jabineysa kooxaha argagixisada ee hagar-daamada la damacsan Ummadda Soomaaliyeed. Ayuur yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan taageeridda ciidammada Qalabka Sida iyo hey’adaha ammaanka ka caawiya dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale u mahadceliyey dowladaha Midowga Yurub ka tirsan ee Soomaalia garabka siiya.


Add New Comment