Al-Shabaab Al-Mujaahidiin oo maanata Gobolada ay ka taliso ka mamnuucaday dhagaysiga idaacadaha BBC iyo VOA


Wareegto  Amar ah oo  kasoo baxday Xarrakada Al-Shabaab Al- Mujaahidiin ayaa maanta ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobollada ay gacanta ku hayaan  ay kaga  joojiyeen  dhageysiga Idaacadaha BBC-da iyo VOA-dhammaan , Idaacadahaasi waxaa lagu eedeeyay  inay yihiin idaacado u adeega Saliibiyiinta iyo inay   Fulinta diinta islaamaka iyo Mujaahidiinta ay tashwiish geliyaan kana beensheegaan.


Amarka lagu joojiyay waxaa ka mid ah Idaacada BBC-da inay tahay warbaahin laga leeyahay dalka Ingiriiska shaqaalaheedana  mushaarka iyga ay siiyaan , kadibna sida ay rabaana wararka ugu gudbiyaan, sidoo kale waxay tahay  Marinka Ajandayaasha Gumeysiga Saliibiga ay uu usoo mariyaan dunida Muislinka ah is nacaybka iyo isku dirka iyagoo adegsanaayo codkooda ,waxayna ka beesheegaan Mujaahidiinta Diinyta Islaamka u kaca inay ummadoodu ku xukumaan.
Dagaalka xoogan ee BBC-du iyo VOA-da kaga soo horjeedo Islaamka iyo Muslimiinta iyo u ololeyntooda ku aadan inaan maamul Islaami ah ka hanaqaadin dalalka Islaamka oo ay Soomaalida ka mid tahay.


Waxaa sidoo kale  Ururka Xisbul Islaam soo saareen amar ah inaan Idaacadaha Muqdisho ka howlgala laga siidayn karin Heeso iyo Muusik, waxayna u qabtaan inay ku joojiyaan 10-maalmood oo ay maalmo yar ka harsan yihiin .
 Ururka Xisul islaam wax war ah   kama soo bixin oo ku aadan joojinta ay ku dhawaaqday  xarakada Al-shabaab  Idaacadaha BBC iyo VOA  lamana oga inay dhankooda ay ka fulin doonaan amarkaasi.

Add New Comment