Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen agaasimayaaha guud ee Wasaaradaha


VPM.jpgRa’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan golaha Wasiirada ayaa ka qeyb galay kulan Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha ay ku yeesheen Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay arrimo kala duwan.

Kulanka oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa waxaa looga hadlayay sidii ay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha u wada shaqeyn lahaayeen, iyadoo intii uu socday kulanka lagu lafo guray arrimo badan oo ku saabsan sidii ay agaasimeyaasha guud u xoojin lahaayeen wada shaqeyn dhexdooda taalla.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Luqmaan Sheekh Ismaaciil oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in u jeeddada kulanka uu yahay sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayd agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya, isagoo kula dar daarmay sidii u dar dargelin lahaayeen howlaha loo igmaday,

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Somaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in kulankani uu ahmiyad u leeyahay dhamaan agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha, isagoo xusay in looga baahanyahay sidii ay u xoojin lahaayeen wada shaqeynta ka dhexeysa.

Kulanka ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa kulamada ay ku kala warqaadanayaan Madaxda Wasaaradaha, si loo xoojiyo howlaha shaqo ee ay qabato Wasaarad waliba.


Add New Comment