Hormuud Foundation oo taakuleynaysa 500 oo qoys oo ku dhaqan gobolka Sh/Dhexe


Munaasabad lagu soo bandhigay mashruuc lagu taakuleynayo dadkii ay saameeyeen dhibaatooyinkii ka dhashay fatahaaddii ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta ka dhacday xaafadda Kulmis ee magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka ay dhibaatadu saameysay.

Mashruucan oo ah mid aan noociisa oo kale aan horey loo arag ayaa waxa maal-gelintiisa bixineysa Hay'adda Hormuud Foundation, ayadoona fulinta mashruuca ay ka qayb qaadan doonaan ilaa iyo 20 cagafta beeraha ah, laguna hormarin doono dhul-beereed baaxaddiisa lagu sheegay 500 oo hektar.

Dhulkaas baaxadda weyn ee laga hirgelin doono mashruuca ayaa waxaa loogu talagalay in ay ka faa'ideystaan in ka badan 500 oo qoys oo beeraley dan-yar ah oo ku dhaqan gobolka kuna cayrtoobay qasaarooyinkii ka dhashay fatahaaddii webiga Shabeelle.

Munaasabadda ayaa waxa ka soo qaybgalay mas'uuliyiin ka kala socday wasaaradda beeraha, shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo maamulka dowladda ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo halkaas kasoo jeediyey hadallo ku aaddan faa'iidada uu mashruucani u leeyahay dadka dan-yarta ah.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay shirkadda Hormuud deeq gaarsiiso dadka dhibbanayaasha ah, hase ahaatee mashruucan ayaa noqonaya midkii ugu weynaa uguna waxtarka badnaa ee ay helaan dadkii dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadii webiga.

taakuleynta.jpg


Add New Comment