Hey’adda UNHCR Oo Cambaareeysay Howlgalka Ay ciidamada Kenya Ku Qab Qabanayaan Qaxootiga


Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR  ayaa cambaareysay raafka ay ciidamada     dalka Kenya ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool xarunta dalkaasi ee magaalada Nairobi.

Warbixin ay soo saartay hey’adda UNHCR ayaa lagu sheegay in qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya ay soo wajaheen dhibaatooyin kaga imaanaya ciidamada Kenya oo iyagu wada howlgallo ay ku qabqabanayaan dadka qaxootiga ah, waxaana warbixinta lagu xusay in ciidamadu ay xabsiyada u taxaabeen in ka badan Laba kun oo qaxooti Soomaali ah.

Hey’adda ayaa sheegtay inaan loo dulqaadan doonin falalka xadgudubyada ah oo ay ciidamada Kenya ku qab qabanayaan qaxootiga Soomaalida ah, waxeyna hey’adu intaasi ku dartay in dadkaasi badankood laga soo qabqabtay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Sidoo kale hey’adda ayaa cambaareeysay howlgallada ay ciidamada Kenya ku qab qabanayaan Qaxootiga Soomaalida ah, waxeyna hey’addu ugu baaqday dowladda Kenya iney ilaaliso xuquuqda dadka qaxootiga ah een waxba galabsan dhowrtana xeerarka caalamiga ah  ee Qaxootiga ah.


Add New Comment