Maareeyihii hore ee Dekeda Muqdisho Cabdi Jiinow Calasow ayaa maanta xilka ku wareejiyay Maareeyaha cusub



 Munaasabad xil wareejin ah oo aad loo soo agaasimay oo ay kasoo  qayb galeen wasiiro,xildhibaano iyo saraakiil  sare oo ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo madaxda ciidamada AMISOM ee u xilsaaran nabadsugidda Dekedda, ayaa maanta lagu qabtay gudaha Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho.

 Munaasabadaasi waxaa ka hadlay mareyihii hore ee Dekedda Cabdi Jiinow Calow wuxuuna hadalo kooban kadib  si toos ah xilkii Maareeyenimada
Dekadda magaalada Muqdisho ugu wareejiyey Xasan Macalin cali oo dhawaan Wareegto ka soo baxday Xafiisak R/Wasaaraha Dowladda KMG Cumar Cabdirashiid
 xilkaasi maareeyenimo loogu magacaabay.

Sidoo kale Mareeyaha xilka lagu warreejiyay maareeyaha Cusub Xasan Cali Maxamed (Xasan Dheere)  oo dhankiisa hadal ka jeediyey munaasabada maanta oo ka dhacday gudaha dekadda Muqdisho
ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay, waajibaadkiisana ka soo bixi doono wuxuuna weydiistay shaqaalaha Dekedda inay la shaqeeyaan.

Ugu danbeyntii   Cabdi Jiinow ayaa waxa uu si weyn u beeniyay in shalay Ciidamada AMISOM isaga iyo ilaalaliisii inay si qasab ah uga saareen gudaha  Dekadda magaalada Muqdisho .

Add New Comment