Askari Hubaysan oo Garoonka Gaalkacyo 2 Nin oo Ajaanib ah ku dilay


Askari ka tirasan ciidamadea Puntland, kana tirsanaa ilaalada garoonka dayaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa maanta toogasho ku dilay labo sarkaal oo caddaan ah, sida la sheegayna u shaqeynayey hay'adaha Qaramada Midoobay.

Weli lama oga sababta ka dambeysa dilka nimankan shaqaalaha u ahaa hay'adaha Qaramada Midoobay, hase ahaatee mas'uul ka tirsan shaqaalaha garoonka dayaaradaha ee magaalada Gaalkacyo oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqeejiyey in dilkaasi uu dhacay.

Degaannada ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxa lagu sheegi jiray in ay ka jirto nabad laysku halleyn karo, hay'adaha QM iyo kuwa kale ee gaar-gaarkana si toos ah ayey maamulkaasi ula shaqeyn jireen, hase ahaatee dhacdadaan ayaa shaki gelin doonta isku halleyntii nabadgelyo ee degaanadaasi ka jirtay.

Add New Comment