Maareeyihii laga casilay maamulka Dekedda Magaalada Muqdisho oo diiday inuu xilka iska wareejiyo taasoo kaliftay ciidamada AMISOM khasab inay kaga saaraan Dekedda asaga iyo ilaaladiisiiba


 Maareeyihii hore ee Dekedda Cabdi Jiinow Calasow ayaa maanta ciidamada AMISOM ay si qasab ah kaga saartay xafiiskiisii hore ee ku dhexyiilay Dekedda magaalada Muqdishu  kadib marki uu ka biyo diiday xil ka qaadsitii lagu sammeeyay maalin ka hor.

Wararka naga soo gaaraya Dekedda magaalada Muqdishu ayaa waxay sheegayaan marki uu soo gaaray maareeyaha cusub ee loo magacaabay maamulka Dekedda  Cali Xasan Macallin si uu kagala wareego xilka maareeyahii hore Cabdi Jiinow , waxaa dhacday in  Maareeyihii hore uu iska diiday in uu u hoggaansmo amarkii kasoo baxay xafiiska R/wasaare Cumar C/rashiid wuxuuna Ilaaladiisa amar ku siiyay  iany dariiq gooyo ku sammeeyan cid allaa ciddii u soo dhaqaaqda dhanka xafiiskiisa, taasoo ugu dambaystii keentay in Ciidamada AMISOM amar lagu siiyo inay soo qabqabtaan Ilaadada sida qaladka loo howlgeliyay iyo Maareeyaha ka dhega adeegay amarka R/wsaareha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya .
Ciidamada AMISOM waxay Maareeyihii hore u garbadoobeen  in la horgeeyo R/wasaare Cumar xafiiskiisa halaasi uu ku sii sugnaa maareeyaha cusub ee loo magacaabay xilka , waxaana la filayaa inuu ku qanci doono Dood albaada loo xirtay  kana tanasuli doono xilkaasisi loogu wareejiyo maareeyaha Cusub Xasan Cali Maxamed (Xasan Dheere)  .
Si kastooy ahaataba Cabdi Jiinow Calasow  waxaa ceeb iyo magac xumo ugu filan in xoog looga soo saaro markii uu diiday inuu si sharaf leh u wareejoiyo xilka Dekedda magaalada Muqdishu halkaasi uu ka talin jiro muddo 3 sannadood ah.

 Dekedda magaalada Muqdishu waxaa  gacanta ku haya  Ciidamada AMISOM, halki oo ah isha ugu weyn oo ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ka hesho lacagta  kasoo gasha dalka gudihiisa.

Add New Comment